Baaritaanka Diyaaradii kusoo dhacday dalka Brazil

Published: August 10, 2024

Mas’uuliyiinta dalka Brazil ayaa ku howlan sidii ay u ogaan lahaayeen waxa sababay in diyaarad ay ku burburto gobolka Sao Paulo shalay, shilkaasi oo ay ku dhinteen dhammaan 62-kii qof ee la socday diyaaradda, shilkan oo ah kii ugu xumaa ee dhinaca duulimaadyada ee soo mara dalkaasi.

Kooxaha difaaca madaniga ah waxay shaqaynayeen maanta si ay u soo saaraan meydadka rakaabkii iyo shaqaalihii diyaaradda ee ku dhintay duulimaadka Voepass airline oo ku burburtay meel u dhow magaalada Vinhedo.

Ugu yaraan 21 meyd ah ayaa laga soo saaray goobta subaxnimadii Sabtida, iyadoo laba dhibane la aqoonsaday, sida ay sheegtay dowladda gobolka Sao Paulo. Dhammaan meydadka waxaa loo qaaday magaalada Sao Paulo, si loo baaro oo loo aqoonsado.

Horseed Media