Baarlamaanka dalka Jabuuti oo guddoomiye u doortay Dileyta Maxamed Dileyta

Published: March 5, 2023
Shares4

Baarlamaanka cusub ee dalka Jabuuti, ayaa maanta guddoomiye u doortay Dileyta Maxamed Dileyta.

Gudoomiyaha cusub ayaaa xubin ka ah xisbiga ugu aqlabiyadda badan ee baarlamaanka Jabuuti ee Isku tagga Dadweynaha iyo Horumarka.

Golaha Shacabka Jabuuti, ayaa maanta yeeshay kulankii ugu horeeyey ee Kalfadhiga 1-aad ee golaha.

Guddoomiye Dileyta, ayaa wuxuu horey u noqday Ra’iisul wasaaraha Jabuuti, inta u dhaxeysay 7-dii bishii Maarso, ee sanadkii 2001-kii, illaa iyo bishii Maarso 31, ee snaadkii 2013-kii.

Horseed Media