Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo ansixiyay miisaaniyadda Dowladda ee 2023-ka

Published: December 27, 2022

Kusimaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Barlamaanka Koonfur Galbeed Maxamed Nur Maxamed Macallin oo ay wehliso Guddoomiye kuxigeenka 2aad Shamso Maxamed Yaroow ayaa  Shir Guddoomiyay Kalfadhiga 5aad Kulankiisa 2aad ee Golaha oo soo xaadirtay 63-Xildhibaan Ajandihiisuna ahaa Ansixinta Miisaaniyadda 2023-ka ee Dowlad goboleedkaas.

Ugu horreyn Xildhibaannada Golaha Wakiilada ayaa ka dooday Miisaaniyadda 2023-ka iyaga oo Su’aalo ka weydiiyay Wasiirka Maaliyadda.

Wasiirka Wassaaradda Maaliyadda Koonfur Galbeed Axmed Maxamed Xuseen ayaa ka jawaabay dhammaan weydiimaha ay Xildhibaanada Weydiiyeen, sida lagu yiri qoraal ka soo baxay kulanka.

Kusimaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha ayaa cod geliyey Miisaaniyadda, isaga oo ku dhawaaqay natiijada ayaa 63 Xildhibaan waxa ay ugu codeeyeen Ogal halka aysan jirin wax diiday ama ka aamusay.

Wasiirka Wassaaradda Maaliyadda ayaa ugu mahadceliyay Xildhibaanada Ansixinta Miisaaniyadda, waxaana kulanka soo xiray kusimha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Maxamed Nur Maxamed Macallin.

15 December 2022-ka Shirka Golaha Wasiirrada kaas uu shirguddoomiyay Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa lagu ansaxiyey Miisaaniyadda Dowladda 2023 oo dhan 46,213,408 oo Doolar.

Horseed Media