Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo Ansixiyey Xisaabxirka Miisaaniyadda 2022

Published: January 22, 2024

Xilldhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulan wada jir ah kaas oo ay shir guddoomisay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, waxaana goobjoog ka ahaa Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha iyo Guddoomiye ku xigeennada Aqalka Sare.

Kulanka maanta ayaa ahaa ajandihiisa ka doodista xisaab xirka sanad maaliyeedka 2022-ka, taas oo ay soo gudbisay Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya, iyadoo xildhibaannada labada Aqal ay dood ka yeesheen.

Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ugu dambeen maanta meel mariyey xisaab xirka sanad maaliyeedka 2022-ka, guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka oo kulanka shir guddoomisay ayaa sheegtay 177 Xildhibaan ay ogal ugu codeysay, waxaana diiday hal mudan halka uu ka aamusay hal Xildhibaan.

Horseed Media