Baarlamaanka Puntland oo magacii ka beddalay gobolka Gardafuu ee bariga fog

Published: July 20, 2023

Golaha wakiilada ee Puntland ayaa maanta oo Khamiis ah magacii ka beddalay gobolka Gardafuu oo la asaasey sanadkii 2013, magaca Gardafuu ayaa ah magac Talyaani ahaa Capo Guardafui oo ah, macnaheeduna yahay eeg oo baxso.

Xildhibaanada Golaha Wakiilada ayaa isku raacey in magaca cusub uu noqonaayo Raas-cayseyr. Gobolkan kuma jirin dastuurka Puntland oo dhigaya 8 gobol oo keliya, waxaana magac ka beddelka loo gogol xaarayaa in dastuurka lagu qoro gobolka Raas Casayr.

Golaha wakiilada ayaa la flayaa in ay dastuurka wax ka beddel ku sameyaan, kadib markii ay u codeeyeen bishii hore sidaas, taas oo ay ka dhalatey dagaal ka dhacay caasimadda Puntland.

Gobolka Raas-caseyr waxaa xarun u ah degmada qadiimiga ah ee Caluula, waxaana laga jarey gobolka Bari.

Horseed Media