Badbaadada Puntland Waxay u Baahan Tahay Go’aan Adag – MAQAAL

Published: October 10, 2023
Deni

Qore: Mohamed Abdiqafar Haji Hussein

Xalaadda Puntland meel adag oo hubinti la’aan ah ayey maraysaa. Doorashadii Puntland waxaa ka haray muddo ku dhow labo bilood iyo maalmo. 

Saddexdii doorasho ee ka horeysey tan xiligaan oo kale waxaa jiri jiray in dadweynaha Puntland ay ogsoon yahiin xiliga ay doorashada dhacayso iyo qaabka doorashada u dhacayso. Waxaa intaa usii dheeraa, in doorashada heshiis lagu ahaa oo Madaxweynaha iyo mucaaradba ay ka ahaayeen isla oggol oo musharax walba dareemayey inuu haysto fursad lagu dooran karo, laguna kalsoonan karo natiijada doorashadaas, oo inta badan laga daawan jiray dunida inteeda kale.

Maanta arrintu taas waa ka duwan yahay. Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni wuxuu ku dhawaaqay in doorasha ay ku dhacayso waqtigeedi labo bilood ka hor, wuxuuna waddan ka maqan yahay muddo ka badan 50 maalmood. Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in qorshaha madaxweynuhu yahay in Guddiga Doorashadu ay furitaanka kalfadhiga u danbeeya ee baarlamaanka horgeeyaan muddo kordhin ay ku qaban karaan doorashada.

Qaabka doorasho oo uu madaxweynaha ku dhawaaqay ee hal qof iyo hal cod waxay noqotey fadhiid. Guddoomiyayaashii degmooyinka si daahfuran looma dooran waxaana wada magacaabey Guddoomiyaasha xibsiyada afar bilood kadib doorashadii May 25 . Boosaaso waxay tusaale u noqotey natiijada dimoqraadiyad la khaldey kadib markii la kala qaybiyey Xildhibanadii 33 ee la doortey taas oo keentey in ay yeelato laba guddoomiye iyo laba ku-xigeen. Sedex degmo oo ay caasimada Puntland ku jirto wali doorasho lagama qaban. Qaab doorasho oo laysla ogal yahay oo lagu kalsoonaan karo ma jiro.

Madaxweynayaashii Puntland soo maray xiligaan oo kale hal arrin bay ka midaysnaayeen oo ah in ay danda Puntland ay ka hormariyaan danda shakhsiyeed. 

Madaxweyne kasta wuu jeclaa inuu xukunka mar labaad kusoo noqdo, wuxuuna isku dayi karay inuu ka shaqeeyo inuu si sharci daro ah uu mar danbe xukunka ugu soo laabto. Lakiin waxay ka mideysnaayeen in ay talada dalka ay dadka usoo celiyaan oo siddii iyaga lagu doortey doorasha u qabtaan haddii aysan miiska soo saarin doorasha kale oo lagu kalsoon karo, wadda ogalna laga yahay oo musharax walba dareemikaro inuu haysto fursad u dhiganta tan madaxweyne xiligaa uu haysto.

Doorashada maanta madaxweyne Deni uu yiri waan qabanayaa waa doorasho dastuurkii loo furay si ay ugu badiso Madaxweyne Deni. Shuruucdii doorashada lagu kalay waxaa ka soo baxaya sedex xisbi ee ugu codadka badan, waxaa lagu badalay in ururadii oo dhan la yiraahdo waa wadda xisbiyo xitaa kuwa aanan doorashadii qayb ka ahayn maxaa yeelahay madaxweynaha ayaa u arkay inuu isbahaysi la samaysan karo xisbiyadaa badan oo badankood aanan gooni isku taagi karin. 

Taasi waxay dhalisay in ay isku soo haraan 4 xisbi oo isku dhinac ah sideedii xisbi oo la ansixiyey. Horseed iyo Mideeye oo diiday inay qayb ka noqdaan doorasho go’aamadeeda aysan qayb ka hayn. Shaqaalaha iyo Runcad oo aanan haysan taageero badan oo dhinac ah. Afarta xisbi ( Kaah, Sincad, Mustaqbal iyo Ifiye) oo kale oo isku meel ah, qaybsadayna goloyaasha degaanka iyagoo aanan tixgalin doorshadii dhacday, kuna saleeyey magacaabid dooda siddii qabiilada ay wax u qaybsan jireen, taas oo niyad jab wayn ku keentey dadkii qoraxda u taagnaa inay gudoonkooda doortaan.

Saadaashu ma fiicna. Waxaa hubaal ah, inuu ku adkaysan doono madaxweyne Deni inuu ku adkaysto inuu fuliyo goaamada aanan sharciga ku dhisnayn oo uu baarlamaanka iyo gudiga doorasha oo aan loo dhamayn ku heshiiyaan. Ilaa hadda go’aamada uu madaxweynaha iyo barlamaanka gaareen wuu ku guulaystey in ay fulaan, go’aamadaas oo intooda badan sharci daro ahaa, waxaana masuul ka ah dadweynaha Puntland dhamaantood. 

Dad badan ayaa ku andacoonaya madaxweynaha muddo xileedkiisii ma dhamaan sidda darteed xaq ayuu u leeyahay in looga danbeeyo maamulka dowlada. Lakiin waxay hilmaameen in haddii uu madaxweynaha ku dhaqaaqo wax sharci darro ah in ay xaq tahay in dadka ka dhiidhiyaan maalinta ay arrinta dhacto oo u horeysa. Haddii ay maalintii u horeysay oo uu madaxweynaha sameeyey wax aan sharci ahayn ay ka dhiidhiyi lahaayeen, maanta heerkaan lama joogeen. 

Hadda Puntland waxaa madaxweyne u ah Siciid Deni oo u haysta inuu wixii u rabo uu fushan karo isagoo cidna xeerin. Waxaa kale oo jira  mucaarad og in aysan ku xurmaynay marka la gaaro Janaayo 9, inuu madaxweyne sii ahaado haddii aanan la helin wax la isla ogal yahay oo doorasho lagu galo. Haddii dagaal dhaco, dadka kaliya oo ay dhibta kasoo gaaraysa waa dadka dan yarta ah oo magaalooyinka ku nool oo la tacaalaya nolal maalmoodkooda.

Waa maxay xalku? Xalku waa labo midkood. In madaxweyne Deni uu iskii muraayada isuku fiiriyo oo uu is xasuusiyo waxa uu u dhaartay oo ah inuu danta reer Puntland ka hor mmariyo dantiisa gaarka ah. Haddii taa la waayo, waa in siyaasiyiinta muraacadka ah, odey dhaqameedka, bulshada rayidka ah, iyo bulshada inteeda kale ay si cad ugu sheegaan madaxweyne Deni in aysan raali ka noqon doonin in loo horseedo Puntland burbur lagana aqbali karin kalitalisnimo.

Somaliya waxaa meesha dhigay maanta waa xukun kalitalisnimo ku dhisan, muddo sodon sano ka badan oo kasoo wareegtay lagama aqbali karo in ay Puntland ka hirgasho. 

Haddii taa lahelo waxaa dhici karta in madaxweyne Deni uu miyirkiisa kusoo noqdo oo talada dhulka dhigo si Puntland loo badbaadiyo. Lakiin haddii loo aamuso oo wali looga aamuso muddo xileedkiisi ma dhamaan iyadoo la og yahay meesha uu ku hogaaminayo Puntland,  natiijada miraha xun ee ay dhasho waa mid lawada qaadayo.

Qore

Mohamed Abdiqafar Haji Hussein
Atlanta Georgia
Email: mohabdhus@gmail.com.