Banaanbaxyo waa weyn oo looga soo horjeedo doorshada qof & cod oo ka dhacay Bosaso -SAWIRO

Published: January 5, 2023
Shares50

Banaanbaxyo waa weyn oo looga soo horjeedo doorshada qof & cod ee Puntland ayaa ka dhacay magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari.

Sidoo kale Mudaharaadka waxaa lagu taageerayaa Kacdoonka shacabka reer Laascaanood, iyadoo looga soo horjeedo xasuuqa ciidanka Somaliland ay ka sameeyeen magaladaasi.

Dadkii shacabka ee banaanbaxa dhigayey ayaa sheegay in la joogayo doorashada si garab istaag loogu muujiyo dadka reer Laascaanood.

sidoo kale waxa ay sheegeen in doorashada ay tahay mid qasab ah oo aan raali laga aheyn maamaada qaar kamid ah Ururada siyaadada ay ka horyimaadeen hanaan loo wado.

Banaanbaxyadan ayaa ku beegmaya xilli maanta la daah-furey is-diiwaangelinta cod-boixiyayaasha ee gobolada Bari, Karkaar iyo Gardafuu.

Horseed Media