Bankiga dhexe ee Liibiya ee fadhigiisu yahay magaalada Tripoli ayaa sheegay maanta oo Axad ah inuu xirayo dhammaan howlihii shaqo, isla markaana uusan dib u billaabin shaqadiisa ilaa laga soo daayo sarkaal sare oo ka tirsan bangiga oo la afduubtay gelinkii hore ee maanta.
Bangiga dhexe waa kaydka kaliya ee caalamiga ah ee loo aqoonsan yahay dakhliga saliida Liibiya, dakhli dhaqaale oo muhiim u ah waddan ay sannado kala go’day oo u dhexeeya laba dawladood oo isku haya Tripoli iyo Benghazi.
Bankiga ayaa sheegay in koox aan la garaneyn ay ka dambeysay afduubkii Axadii loo geystay Muscab Muslam, oo madax ka ahaa waaxdeeda tignoolajiyada macluumaadka.
“Bangiga ayaa diiday hababka mooryaanka oo kale ah oo ay ku dhaqmaan xisbiyada qaarkood si ka baxsan sharciga,” ayaa lagu yiri bayaan.
Waxay intaas ku dartay in sidoo kale loo hanjabay mas’uuliyiin kale oo ka tirsan bangiyada, sidaas darteedna ay joojin doonaan shaqada ilaa “dhaqmahan laga joojiyo oo ay soo farageliyaan mas’uuliyiinta ay khusayso”.
Richard Norland oo ah safiirka Maraykanka u fadhiya dalka Libya ayaa todobaadkii hore sheegay in isku dayga lagu doonayo in lagu bedelo maamulka sare ee bangigaasi ay keeni karto in dalka ku yaala waqooyiga Afrika uu lumiyo suuq dhaqaale oo caalami ah.
Horseed Media