Bangaladhesh: Guddoomiyihii Maxkamada Sare oo iscasilay kadib mudaaharaad cusub

Published: August 10, 2024

Guddoomiyihii Maxkamada Sare dalka Bangaladhesh, Obaidul Hassan ayaa istiqaaladiisa dhiibay sabtidii, labo maalmood kadib markii dowladda cusub ee ku meel gaarka ah ee uu hogaamiyo Maxamed Yunus la dhaariyay.

Asif Nazrul, oo ah lataliyaha sharciga, cadaalada iyo arrimaha baarlamaanka ee dowladda KMG ah, ayaa fariin muuqaal ah oo lasoo dhigay barta Facebook ku sheegay in xafiiskiisa uu helay warqada istiqaalada, ayna u gudbin doonaan hogaamiyaha dalka Mohammed Shahabuddin si loo maro habraac dheeri ah.

Shan garsoore oo kale oo ka tirsan maxkamadda sare ayaa iyaguna iscasilay galinkii dambe ee Sabtidii, xukuumadda cusub ayaa doonaysay inay dib u habayn ku sameyso garsoorka.

Xiisada ayaa soo cusboonaatay subaxnimadii sabtida kadib markii gudoomiyaha maxkamada sare uu ku baaqay kulan ay isugu imaanayaan garsoorayaasha maxkamada sare ee dalka, si looga arinsado shaqada garsoorka ee dowlada cusub.

Dibad-baxayaasha ayaa isugu soo baxay xarunta maxkamadda, waxayna ka dalbadeen guddoomiyaha maxkamadda sare iyo garsoorayaasha kale ee maxkamadda sare in ay xilka ka degaan.

Horseed Media