Baraawe: Ciidamada AMISOM iyo kuwa Soomaaliya oo hawlgalo wada jir ah bilaabey

Published: September 22, 2023

Ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM iyo kuwa Nabad Sugidda Soomaaliya ayaa si wadajir ah u xoojiyay roondada ay ka sameynayaan degmada Baraawe ee maamulka Koonfur Galbeed, si ay uga hortagaan weerarada ay maleegayaan kooxda Al-Shabaab.

Taliyaha Kooxda 38-aad ee Ciidamada ATMIS ee Ciidamada Uganda (UPDF) ee fadhigoodu yahay Baraawe, Col. Christopher Berochan, ayaa sheegay in roondooyinka wadajirka ah ay jawaabo firfircoon iyo falcelin isugu jira ka bixin doonaan dhaq-dhaqaaqyada khatarta ku ah nabadda iyo ammaanka gobolka Shabeellaha Hoose.

“Waxaan sii laba jibaarnay howlgallada aan si wadajir ah u fulinayno ciidamada nabadsugidda Soomaaliya (SSF) ee lagula dagaalamayo khataraha Al-Shabaab ee Baraawe iyo nawaaxigeeda,” ayuu yiri Col. Berochan.

Wuxuu u xaqiijiyay dadka deegaanka ee ciidamada Midowga Afrika inay sii wadayaan taageerada, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in ay sii wadi doonto inay si wadajir ah ula shaqeeyaan SSF.

“Waxaan rabnaa inaan u xaqiijinno dhammaan dadka degmada in ATMIS ay si wadajir ah ula shaqeyneyso SSF habeen iyo maalin si loo ilaaliyo nabadda iyo ammaanka degmada,” ayuu yiri Col. Berochan.

Magaalada Baraawe oo 210-km koonfur-galbeed ka xigta caasimadda Muqdisho, Baraawe waxay leedahay dekedda weyn oo u shaqeysa maamulka Koonfur-galbeed, waxaana ku yaala mid kmid ah saldhigyada waaweyn ee ATMIS.

Waxaa muddooyinkii danbe gobolka Shabeelada Hoose ku soo badanaayey weerarada al-Shabaab, iyada oo cidamada ATMIS lagu eedeynaayey in ay xeryahooda difaac ka galeen oo keliya.

Horseed Media