Baydhabo: Wasiirkii Warfaafinta Koonfur Galbeed Ilyaas Cali Nuur oo xilka iska casilay

Published: December 24, 2022
Shares64

Wasiirkii warfaafinta Koonfur Galbeed Ilyaas Cali Nuur ayaa caawa shaaciyey inuu xilka Wasiirnimo iska casilay.

Wasiirka xil ka tegistaan u sababeeyay weerarkii ay shalay ciidamada ka amar qaata Madaxweyne Laftagareen ku qaadeen guriga musharax Maxamed Aadan Fargeeti.

“Waxa aan iska casiley xilkii Wasiirka Warfaafinta KGS, kaddib markii ay ii cuntami weydey waxa lagu sameeyey dadkeyga, oo aan xitaa nalaga talo gelinin weerarkii lagu qaadey oo anaga ka warheyn” ayuu yiri Ilyaas Cali Nuur.

Sidoo kale Wasiirka ayaa ciidanka Itoobiya ka codsaday inay ixtiraamaan rabitaanka shacabka reer Koonfur Galbeed oo mar dambe aan loo adeegsan siyaasadaha is diidan.

Ugu dambeyn Wasiir Ilyaas ayaa Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ugu baaqay inuu doorashada qabto, intii uu dhiig ku daadin lahaa.

Horseed Media