Beesha Caalamka Oo Ku Baaqday In la Joojiyo Dagaalka Garoowe

Published: June 21, 2023

Wakiilada beesha caalamka ayaa ka hadlay dagaalka ka Garoowe ee u dhexeeya dowladda iyo ciidamada mucaaradka ah ee diidan furista dastuurka Puntland.

War qoraal ah oo kasoo baxay beesha caalamka ayaa loogu baaqay dhinacyada inay joojiyaan xabada, Isimada dhaqankuna dhexdhexaadiyaan dirirta.

Hoos ka akhriso:

” Saaxiibada beesha caalamka* waxay ka walaacsanyihiin dirirta ka socota Garowe iyo saamaynta ay ku leedahay dadka rayidka ah.

Saaxiibadu waxay ku baaqayaan in si degdeg ah loo dejiyo xiisadda, laguna soo dabbaalo xasillooni. Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan daneeyayaasha siyaasadda inay yeeshaan wadahadal, kaas oo ah tubta kaliya ee lagu xallin karo khilaafaadka.

Khatarta isa soo taraysa ee dhawaanahan waxay halis gelinaysaa natiijadii wanaagsanayd ee laga gaaray doorashadii golaha deegaanka ee dhawaan ka dhacday Puntland.”

Horseed Media