Biden oo Netanyahu ku cadaadinaya in xabbad-joojin laga gaaro Gaza

Published: August 22, 2024

Aqalka Cad ayaa sheegay, in madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu Arbacadi shalay khadka telefoonka kula hadlay ra’iisul-wasaaraha Isra’il Benjamin Netanyahu, oo uu kala hadlay in si deg deg ah loo helo xabbad-joojin ka hirgasha Gaza, isla markaana la sii daayo la heystayaasha.

Hase yeeshee, Isra’il iyo Xamaas ayaa wali ku sii adkeysanaya mowqifyadooda ay ka kala taagan yihiin wadahadallada muddada afarta bil socday ee ay dhex-dhexaadiyaasha caalamiga ah ku rabaan in lagu joojiyo colaadda Gaza.

Wadahadallada khadka telefoonka ee labada hogaamiye, oo sidoo kale ay goob joog aheyd madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Kamala Harris, ayaa yimid waxyar kaddib marki ay saraakiisha caafimaadka ee Falastiiniyiinta sheegeen, in 24-ki saac ee lasoo dhaafay ay Isra’il Gaza ku dishay ilaa 50 Falastiiniyiin ah.

Bayaan kasoo baxay Aqalka Cad ee magaaladan Washington ayaa lagu sheegay, in Biden uu ku nuux-nuuxsaday una sheegay Netanyahu dedejinta heshiiska xabbad-joojinta iyo sii deynta la heystayaasha, wuxuu sidoo kale kala hadlay wadahadallada loo ballan sanyahay in ay ka dhacaan Qahiro ee lagu rabo in lagu dhameeyo caqabadaha hor taagan xababad-joojinta.

Dhex-dhexaadiyaal ka kala socda Mareykanka, Masar iyo Qatar ayaa lagu wadaa in dhammaadka todobaadkan ay ku kulmaan caasimadda Masar, si isugu dayaan in ay meel dhexe isugu keenaan dhinacyada dagaallamaya.

Horseed Media