Bilaal al-Sudani oo kamid ahaa hoggaamiyeyaasha Daacish oo lagu dilay Gobolka Bari

Published: January 27, 2023
Shares2

Mareykanka ayaa ka hadlay howlgal gaar ahaa oo habeen hore ka dhacay Buuraha Calmiskaad ee Gobolka Bari, isagoo sheegtay masuuliyad howlgalka kaas oo lagu bartilmaameedsaday xubno kamid ah Ururka Daacishta.

Xoghayaha Gaashaandhigga Mareykanka, Lloyd Austin ayaa xaqiijiyay in hawlgalkaasi lagu dilay xubno badan, oo uu ka mid yahay Bilal al-Sudani, oo ahaa hoggaamiye sare oo Ururka Daacish ka tirsan.

Lloyd Austin ayaa sheegay in Al-Sudani uu masuul ka ahaa kobcinta joogitaanka ISIS ee sii kordhaya ee Afrika iyo maalgelinta hawlgalada kooxda ee adduunka oo dhan, oo ay ku jirto Afghanistan.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu yiri “Ma jirto dad rayid ah oo wax ku noqday hawlgalkan, waxaana u mahadcelinaynaa xubnaha adeegga aan caadiga ahayn & sidoo kale bulshadayada sirdoonka iyo la hawlgalayaasha kale ee hay’adaha is dhexgalka taageeradooda ku aaddan hawlgalkan guuleystay.”

Horseed Media