Bixinta Passaporada soomaaliga ah oo mar kale dib u dhacday.

Published: February 2, 2020

Qoraal ay soo saartay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, ayey  ku sheegtay in khamiista soo socota la billaabayo bixinta Baasaboorka, waxaana ay bulshada ka codsatay, in ay dulqaad ka muujiyaan dib u dhaca kooban ee ku yimi Todobaadkii lasoo dhaafay ayay ahayd markii ay hay’adu sheegtay in hakad ay galayaan hawlaha Passaporada.

Howlihii farsamo ee ka socdey habka bixinta Baasaboorka oo weli dhamaystirmin awgeed, waxaa muwaadiniinta Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan lagu wargelinayaa in mudadii hakinta lagu kordhiyey maalmo dheeri ah, waxayna howsha qabashada codsiyada baasaboorka dib u bilaaban doontaa maalinimada Khamiista ah, Taariikhduna tahey Febaraayo 06, 2020, Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda waxay ka xuntahey dib u dhaca mar kale ku yimid bixinta baasaboorka, waxayna ka codsanaysaa muwaadiniinta in ay dulqaataan mudada kooban ee howlaha farsamo lagu dhameystirayo.”” ayaa lagu yiri qoraalka Hay’adda.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *