Bloomberg: Wasiirka Dekadaha Puntland Dekadda Bosaso Waxaa Lagu Dhisayaa $336 Milyan oo Dollar

Published: August 19, 2023

Shirkadda DP World ee Dubai ayaa sanadkan dhammayn doonta $366 milyan oo lagu ballaarinaayo dekedda Soomaaliya, sida ay qortey shabakadda Bloomberg oo soo xiganaysa Wasiirka dekadaha iyo gadiidka badda ee Puntland Axmed Yaasiin Saalax.

Dib u dhiska iyo ballaarinta ay waddo shirkadda DP World ee dekedda Boosaas ayaa la filayaa in la soo gebagebeeyo dhammaadka sanadkan, sida uu sheegay wasiirka dekedaha Puntland

Mashruucan oo ay ku baxayso lacag dhan $366 milyan oo dollar, waxa maalgelinaya qayb ka mid ah shirkadda DP World ee Dubai. Dekeddan ku taala gacanka cadmeed ee dowaldda Puntland ayaa ka mid ah dhowr xarumood oo ay shirkaddu ka horumarinayso Geeska Afrika.

“Marka la eego, in ay ku taal meel istiraatiiji ah, waa waddo ganacsi oo lagu soo jiidan karo ganacsatada gobolka iyo kuwa caalamiga ah,” ayuu yiri Axmed Yaasiin Saalax, wasiirka dekedaha Puntland.

Axmed yaasiin Saalax ayaa sheegayWejiga labaad ee ballaarinta ayaa bilaaban doona sanadka soo socda.

Qeyb ka mid ah DP World ayaa ku guuleysatay heshiis 30 sano ah 2017 si ay u horumariyaan oo ay u maamulaan dekedda Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Heshiiskii 2017 ayaa sidii uu ahaa u socon waayey, waxaa meesha laga saarey shirkaddii P&Ports, ee heshiiska gashey. Dekadda Bosaso ayaa qayb yar oo ka mid ah hadda dhisme ku socdaa taas oo ay dhiseyso shirkad yar oo ka shaqeysa dhismayaasha, lama sheegin dhaqaalaha ku baxaya inta uu le’eg yahay. Wasiirka Dekadaha Axmed Yaasiin Saalax ayaa horey ugu fashilmey in isbeddelka heshiiskalagu sameeyey uu horgeeyo Baarlamaanka.

Dhaqaalaha gaaraya $366 milyan waa heshiiskii Madaxweyne Gaas uu galay kaas oo ahaa dekad weyn oo caalami ah, waxaana la is weydiinayaa warkan cusub ee wasiirku u sheegay Bloomberg waxa sax ka ah.

Horseed Media