Booliiska oo Soo Saaray Miino Lagu Aasay Wado ay Adeegsato Dowladu

Published: February 29, 2020

Ciidamada ammaanka Puntland ayaa ku guulaystay inay soo saareen Miino lagu aasay Xaafadda Jidka Soddanka ee Magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari

Wadadan oo 8km ayaa ah mid ay adeegsadaan ciidamada madaxtooyada Puntland ee Bosaso, Baabuurta xoolaha keenta iyo dadweynaha caadiga ah, waxayna martaa duleedka bari ee Magaaladda

Booliisku waxay sheegeen in arrintaasi ay suurtogashay kadib markii ay soo sheegeen Dadka dagan Xaafadaasi, islamarkaana ay gaareen halkaasi ciidamada u tababaran miino saarista ee Puntland oo ku guulaystay inay si dhib la aan ah u kala fur furaan Miinadaani oo loogu tala galay dhibaateynta Bulshada sida ay sheegeen saraakiisha ammaanku

Ciidamada Booliiska oo kaashanaya laamaha Sirdoonka ayaa baaris baahsan ka bilaabay Xaafadaasi, si loo aqoonsado dhagarqabayaashi ka dambeeyay falkaani.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *