Booliska dalka Jabuuti oo xiray 3,000 oo qof, kadib markii ay sameeyeen howlgallo ka dhan ah tahriibka

Published: May 1, 2023
Shares76

Dowladda Jabuuti oo ku dhowaaqday howlgallo ka dhan ah tahriibka ayaa sheegay in booliska ay xireen 3,000 oo qof oo la masaafurin doono.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Nuux Xasan ayaa sheegay in dalkan ku yaalla Geeska Afrika ay buuxiyeen qulqulka dad ka imanaya dalalka deriska ah.

Wasiir Nuux ayaa sheegay in Jabuuti ay go’aansatay inay qaado tallaabo lagu ilaalinayo badqabka iyo nabad-galyada shacabkeeda iyo inay xakameyso qulqulka muhaajiriinta dalka imanaya.

Jabuuti, oo dadkeeda lagu qiyaaso hal milyan, ayaa ku taalla marin tahriib oo ay maraan muhaajiriinta kasoo cararaya dagaallada iyo musiibooyinka isbeddelka cimilada ee raadinaya nolol wanaagsan.

Taleefishinka dowladda ee RTD ayaa sheegay in qiyaastii 3,000 qof lagu xiray howlgalka, loona qaadayo xarumo masaafurin, si baabuur xamuuli ah dib loogu celiyo dalkooda. Lama shaacin dalka ama dalalka ay kasoo jeedaan dadkaas.

Waxa uu sidoo kale sheegay inuu jiray waqti 30 maalmood ahaa oo loo qabtay muhaajiriinta sharci-darrada inay u hoggaansamaan.

Horseed Media