Booliska oo war kasoo saaray qarax ka dhacay Xamar weyne

Published: January 16, 2024

Taliska Booliska gobolka Banaadir ayaa sheegay in qof naftii hallige ahaa uu isku qarxiyay bannaanka hore ee maqaayadda Al-Hindi oo ku taalla degmada Xamar weyne xilli ay eryanayeen ciidamada ammaanka.

Booliska ayaa sheegay inay ku dhinteen seddex ruux halka ay ku dhaawacmeen laba qof oo goobta ka ag-dhawaa.

Booliska ayaa sheegay in goobta uu qaraxu ka dhacay ay ka socdaan baaritaanno, dibna ay kasoo saari doonaan faah-faahinno dheeri ah.