Booliska Soomaaliya oo gacanta ku dhigay tiradii ugu badnayd oo ciyaal weero ah

Published: March 19, 2023
Shares4

Ciidamada Booliska Soomaaliya oo howlgal ballaaran ka sameeyey duleedka Magaalada Muqdisho, gaar ahaan deegaanka Ceelaha Biyaha ayaa lagu soo qabtay tiradii ugu badnayd oo ciyaal weero ah.

Raggan la soo qabtay ayaa ku hubeysnaa tooreeyo iyo baangado, sida lagu shaaciyay qoraal kasoo baxay Taliska Booliska Gobolka Banaadir.

Taliska Qeybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir ayaa sheegay in kooxaha la qabtay dhammaantood lagu xiray saldhig ku yaalla Ceelasha Biyaha.

Taliska ayaa sidoo kale sheegay inay sii wadi doonaan beegsiga ay ku hayaan ciyaal weerada, ayna laba jibaari doonaan.

Horseed Media