Booliska Soomaaliya oo gacanta ku dhigay tiradii ugu badneyd oo burcad, hub & maandooriye ah

Published: July 6, 2022

Ciidamada Booliska Soomaaliya iyo kuwa hay’adda Nabad Sugidda ee NISA ayaa si wadajir Howlgallo uga sameeyeen magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Howlgallada oo ahaa kuwa ballaaran ayaa waxaa laga sameeyey degmooyin dhowr ah oo ka tirsan gobolka Banaadir, sida uu shaaciyey afhayeenka Booliska, Cabdifitaax Aadan.

Afhayeenka ayaa xusay in ciidamadu ay gacanta kusoo dhigeen hubkii ugu badnaa iyo sidoo kale waxyaabo maanka dooriya oo uu tilmaamay inay qayb ka yihiin amni darada.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay sii wadi doonaan howlgalladaan oo ujeedkooda uu yahay, sidii looga hortagi lahaa kooxaha burcadda oo dhaca ka geysta caasimadda.

Maalmihii u dambeeyey ayaa waxaa isa soo tarayey qaylo dhaanta kasoo yeereysa shacabka ee ku aadan falalka ammaan darri ee ka dhacaya magaalada Muqdisho.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *