Booqashada Madaxweynayaashii hore ee degmada Cadale, Hirshabelle

Published: July 22, 2021

Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, Shiikh Shariif Axmed iyo Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maanta gaaray magaalada Cadale ee Gobolka Shabeelada Dhexe ee Dowlad Goboleedka Hirshabelle.

Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe oo isaguna shalay gaaray magaaladaasi ayaa halkaasi kusoo dhaweeyey wafdiga balaaran ee ka yimid Muqdisho.

Ujeedka socdaalka madaxdan oo ka tirsan midowga murashaxiinta ayaa ah sidii ay ugu kuurgali lahayeen xaaladda guud iyo dib u heshiisiinta beelaha deegaankaas.

Wafdigan oo caawa seexan doona deegaankaasi ayaa kulamo la qaadan doona qaybaha kala duwan ee bulshada.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *