Boqolaal tahriibayaal ah ayay dileen ciidamada ilaalada xudduudaha Sacuudiga – warbixin

Published: August 21, 2023

Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ayaa warbixin ay maanta oo isniin ah soo saartay ku sheegtay in ciidamada ilaalada xudduudaha Sacuudiga ay dileen ugu yaraan boqollaal muhaajiriin Itoobiyaan ah iyo magan-galyo doon oo isku dayay inay ka gudbaan xadka Yemen iyo Sacuudiga u dhexeeya mudadii u dhaxaysa Maarso 2022 ilaa June 2023.

Warbixinta oo ka kooban 73 bog ayaa lagu yiri “ ‘Waxay nagu soo rideen sidii rasaas sida roobka oo kale’: Dilalka baaxadda leh ee Sacuudi Carabiya ay ku heyso Muhaajiriinta Itoobiyaanka ah ee ku sugan xudduudda Yemen iyo Sacuudiga ,” ayaa lagu sheegay in ilaalada xudduudaha Sacuudiga ay u adeegsadeen hub waxyaabaha qarxa si ay u dilaan tahriibayaal badan. Mararka qaar, ilaalada xudduudaha Sacuudiga ayaa muhaajiriinta weydiiya xubinta ay ka toogtaan, ka dibna meel dhow ayey ka toogtaan.

“Ciidamada Sucuudigu waxay ku dileen boqolaal muhaajiriin ah iyo magan-galyo doon aagga fog ee xuduudka ah” ayay tiri Nadia Hardman oo ah cilmi-baare ka tirsan hay’adda Human Rights Watch. “In balaayiin lagu bixiyo iibsashada golf-yada xirfadleyda ah, naadiyada kubbadda cagta, iyo munaasabadaha madadaalada ee waaweyn si loo wanaajiyo sawirka Sacuudiga waa inaysan ka leexin dareenka dembiyadan foosha xun ee ay geysanayaan ayey tiri”

Human Rights Watch ayaa warqad u dirtay Boqortooyada Sacuudiga iyo Xuutiyiinta Yemen si ay uga jawaaabaan eedaymaha. Maamulka Xuutiyiinta ayaa ka jawaabay warqaddii loo direy maalintii Sabtida ee Agoosto 19, 2023.

Ku dhawaad ​​750,000 oo Itoobiyaan ah ayaa ku nool kana shaqeeya Sucuudiga. Halka qaar badan oo ka mid ah ay u haajiraan sababo dhaqaale, tiro ayaa u qaxay sababtoo ah xad-gudubyo ba’an oo xuquuqul insaanka ah oo ka dhacay Itoobiya, oo ay ku jiraan dagaaladii hubeysnaa ee dhawaan ka dhacay waqooyiga.

Muhaajiriinta iyo magan-galyo doonka ayaa sheegay in ay ka soo gudbeen badda gacanka Cadmeed iyaga oo saaran doomo aan u qalmin, mukhalasiin Yemeni ah ayaa dabadeed geeyey gobolka Sacda, oo ay hadda gacanta ku hayaan kooxda hubaysan ee Xuutiyiinta, ee ku taal xuduudka Sucuudiga.

Horseed Media