Boqorka Jordan oo Biden kala hadlay xaalada Gaza

Published: February 13, 2024
Shares4

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden iyo Boqorka Jordan (Urdun), Boqor Cabdallah ayaa ka wadahadlay xaalada Gaza, xili ay socdaan dadaalo loogu jiro dhaqan gelinta xabad joojin kale oo la dhex dhigo Israel iyo Xamaas.

Mareykanka oo walaac ka muujiyey qorshaha Israel ay ku weerarayo deegaanka Rafah ee koonfurta Gaza, ayaa dhinaca kale weli ku baaqin wax xabad joojin ah.

Dhankiisa, Boqor Cabdallah ayaa hoosta ka xariiqay sida loogu baahan yahay dhaqan gelin xabad joojinta iyo in gargaar la gaarsiiyo shacabka Falastiiniyiinta ee u qaxay Rafah ee koonfurta Qaza.

“Ma aqbali karno in tani ay sii socoto…Waxaan hadda u baahanahay xabbad joojin waarta iyo in Dagaalkan la soo afjaro” ayuu yiri Boqor Cabdallah.

Saraakiil sare oo ka kala socda Mareykanka, Masar, Israel iyo Qatar ayaa la filayaa inay ku kulmaan Qaahira si ay uga shaqeeyaan qaab saddex weji ah oo lagu sii dayn karo la haystayaasha lana gaaro hakinta dagaalka, sida ay sheegeen ilo xog ogaal ah.

Horseed Media