Bosaso: Laba Caruur ah oo meydadkooda laga helay xeebta

Published: September 18, 2022

Meydka laba caruur ah oo da’adooda lagu kala sheegay 11 jir & 12 jir ayaa laga helay xeebta Magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari.

Caruurtan oo ay baddu qaaday shalay ayaa saaka soo tuftay sida ay xaqiijiyeen eheladooda.

Caruurta ku geeriyootay bada ayaa Magacyadooda lagu kala sheegay Axmed C/kariin &  Sakariye,ehelada caruurtan ayaa buux dhaafiyay Isbitaalka oo la dhigay meydka.

Dhacdadaan ayaa ku soo beegmeysa xilliyada ay dabaylaha xagaagu dhacayaan waxaana horey xeebaha badda cas ugu degay doonyo ganacsi oo u soo socday Bosaso.

Horseed Media