Agaasimaha warfaafinta ee Madaxtooyada dowlada Federaalka Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa hadal uu ka jeediyay munaasabad lagu daahfurayay dhaqangelinta xeerka warbaahinta iyo furitaanka xafiiska xiriirka dowladda waxaa uu ku sheegay in Muqdisho ay ka jirto xoriyad xargo goosatay oo ay haystaan warbaahintu .
Wuxuu sheegay in warbaahinta qaarkood ay la safteen wadamo shisheeyo oo uu carabka ku dhuftay wadanka Kenya oo kiisas kala dhexeeyo dowladda Somaliya
Agaasimaha oo ka hadlaya habka looga hortegi karo laguna xakamayn karo Xoriyad uu sheegay inay xargo goosatay waxaa carabka ku adkeeyay in dhaqangeliyo oo laga shaqaysiiyo xeerka warbaahinta ee Madaxweynuhu saxiixay.
Dhinaca kale, Agaasimuhu wuxuu sheegay in xoriyad warbaahineed ayan ka jirin meelaha. ka baxsan Magaaladda Muqdisho, waxaa uu sheegay in warbaahinta gobolada ka shaqays cunaha lagu dhagan yahay oo aysan xoriyad Haysan
Munaasabada loo qabtay dhaqangelinta xeerka warbaahinta Somaliyeed ayaa waxaa maanta waxaa ka qaybgalay oo hadalo ka jeediyay Sii hayaha xilka Ra’isul Wasaaraha Federaalka Mahd i Guuleed, wasiirka warfaafinta Maareeye, Agaasimahaa warbaahinta Dowladda, qaar ka mid ah warbaahinta madaxa banaan iyo qaar ka mid ah ururada saxaafada.
Omar Mohamed
HORSEEDMEDIA