Isbahaysi cusub oo u ololeynaya qofka noqonaya Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya

Published: January 1, 2017

Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Axad ah magacaabey guddiga qaban-qaabada ee doorashada shir-guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya taas oo dhacaysa maalmaha soo socda.

Doorashada sanadkan ayaa ah mid ka duwan doorashooyinkii hore, waxaana dhici karta in qaabka awood qaybsiga beelaha Soomaaliyeed ay is-beddesho.

Awood qaybsiga oo ku dhisan shan beelood oo afar kamid ah sheegtaan in ay u badan yihiin Soomaaliya, ayaa waxaa kursiga Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya tan iyo xiligii xornimada u qoondeysneyd Beelaha Digil & Mirifle.

Doorashadii sanadkii 2012 ayaa Shariif Xasan Sheekh Adam oo dusha ka haysta siyaasadda beelaha Digil & Mirifle isu sharaxay xilka Madaxweynaha Soomaaliya waxaana uu isku dayey in uu Xildhibaanada Beelaha Digil & Mirifle ku qanciyo in aysan isu sharaxin kursigaas, taas oo noqotey mid dhici weydey kadib markii Prof. Jawaari cod aqlabiyad ah uga adkaadey Cali Khaliif Galaydh oo ka tirsanaayey hab qaybsiga hoose ee beeshiisa Daarood/Harti.

Shariif Xasan ayaa mar kale sanadkan ah Musharax Madaxweyne, waxaana uu wax ka beddalay tabtiisi hore, waxaana uu meesha ka saarey in uu Xildhibaanada beesha Digil iyo Mirifle ku cadaadiyo in aysan tartamin, taas beddelkeedi ayuu u ol-oleynayaa Xildhibaan ka soo jeeda beesha Daarood kaas oo ah Cabdirashiid Maxamed Xiddig oo kamid ahaa musharixiintii wareega hore ku harey sanadkii 2012, kaas oo mar kale sanadkana isu sharaxay xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Cabdirashiid Maxamed Xiddig ayaa taageero xooggan ka helay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Cabdikariim Xuseen Guuleed, waxaana si xawli ah looga dareemayaa ol-olihiisa isaga oo ay saddexda Xasan Sheekh, Shariif Xasan iyo Cabdikariim ay ku bixinayaan dhaqaale, waqti iyo juhdi badan sidii ay isu beddeli lahayd shaxda.

Qaar badan oo kamid ah siyaasiyiinta beelaha Daarood ayaa sheegaya in arrintaani tahay dhalanteed, waxaase in badan oo Xildhibaanada Baarlamaanku kuu sheegayaan in sanadkan ay ka duwan tahay kuwii hore Cabdirashiid Xidiig uu si fudud ku guuleysan karo, marka la eego ol-olaha weyn ee socda.

Haddii Cabdirashiid Xiddig ku soo baxo xilka Afhayeenka Baarlamaanka ayaa tartanka Madaxweyne noqonayaa mid u dhexeeya beelaha Hawiye iyo Digil & Mirifle.

Xiddig ayaa muddo dheer ahaa Xildhibaan, waxaana markii saddexaad laga soo doortey deegaanada Jubaland, laba jeer ayuu kamid noqdey xukuumadihii Soomaaliya isaga oo noqdey Wasiir-ku-xigeen.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *