Cabdiraxmaan Beyle oo jawaab cad u direy Xeer-ilaaliyaha guud ee Dowladda Federaalka kadib u yeeridiisi

Published: June 26, 2022

Kadib markii Xeerilaaliyaha guud uu amar u direy Wasiirka maaliyadda qoraalkaas oo lagu faafiyey baraha bulshada, iyada oo Wasiirka Maaliyadda lagu amraayo in maalinta Isniinta ee 27 Juun uu yimaado xafiiska Xeerilaaliyaha si su’aalo looga weydiiyo arrimo la xiriira shaqadiisa ayaa haatan waxaa qoraalkaas ka soo jawaabey Wasiir Beyle.

Wasiirka ayaa caddeeyey in qoraalkii Xeer-ilaalintu soo gaarey, laakiin ay ahayd mid baalmarsan xeerka Lr.18 ee ahayd in uu la xiriiro Garyaqaanka guud maadaama xukuumadda uu isagu difaaco, sidaas darteedna uu ka dalbadey in xafiiska xeer ilaalintu u hoggaansamo habraacyada xeerarka la dejiyey ee loogu tala galay in dalka lagu maamulo.

Ugu danbeyn Wasiirku wuxuu sheegay in wasaaradiisu xaqiijineyso diyaarna u tahay in ay la wadaagi doonto garyaqaanka guud ee Dowladda dhamaan jawaabaha uu u baahdo Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

Sida ay sheegayaan warar madaxbanaan, Xafiiska Xeer-ilaaliyaha ayaa ku haysta Wasaaradda Maaliyadda arrimo gaar ah oo la xiriira xafiiskaaskaas, taas oo Beyle diidey.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. Beyle toban sano buu Wasiirka maaliyadda iyo Dibadda ahaa ..intuu dawladda Soomaaliya Ka dhacay nin ka dhacay ma jirto ..waa in lala xisaabtamaa oo laga soo celiyaa hantida umadda Soomaaliya uu lunsadey .