Cabdiraxmaan Cabdirisaaq Cabdiraxmaan oo loo doortay guddoomiyaha PUNSAA

Published: November 28, 2022

Cabdiraxmaan Cabdirisaaq Cabdiraxmaan ayaa loo doortay guddoomiyaha dallada ay ku midaysan yihiin bulshada rayidka Puntland ee PUNSAA kadib markii uu wareeggii labaad kaga guulaystay Nuur Maxamed Nuur.

Ku-simaha  Madaxweynaha, Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa hambalyo u diray Guddoomiyaha cusub ee Dalladda Daneeyayaasha aan Dowliga ahayn ee PUNSAA Cabdiraxmaan Cabdirisaaq Cabdiraxmaan.

Ku-simaha Madaxweynaha oo garowsan  muhiimadda ay Dalladu u leedahay bulshada Rayidka ah ayaa bogaadiyey maamulkii hore ee uu hoggaaminayay Faysal Qaran.

Sidoo kale waxana hogaanka cusub kula dar-daarmay inay sii xoojiyaan shaqada loo hayey bulshada, isaga oo xusay in dowladdu si dhow ula shaqayn doonto masuuliyiinta la doortay si loo xoojiyo horumarka bulshada loona gaadho guulo badan.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa ku bogaadiyey Guddiga doorashada, Ergada ka qayb gashay doorashada, Musharaxiintii tar-tamay iyo cid walba oo gacan ka geysatay door kooda wanaagsan ee ay buuxiyeen.

Ugu dambayn, Ku-simaha  Madaxweynaha, ayaa Alle uga rajeeyey hogaanka cusub ee la dooratay inuu u fududeeyo masuuliyada ay qaadeen.

Horseed Media