Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo sheegay in abaaraha dalka ka jira ay qeyb yihiin Al-shabaab

Published: March 10, 2023
Shares68

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah Ergeyga arimaha abaaraha ee Madaxweyne Xasan Sheekh kana mid ah Xildhibaanadda Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in abaaraha baahsan ee gudaha dalka ka jira iney qeyb yihiin Al-shabaab.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa xusay in 5-tii xili roobaad ee lasoo dhaafay aysan Soomaaliya roobab ka da’in ay keentay abaaraha haatan ka jira Soomaaliya, hayeeshee Al-shabaab ay sii adkeysay dhibaatada dhanka nolosha ay wajahayeen dadka beeraleyda iyo xoolo dhaqatada ah oo markii horana la daalaan dhacayay abaarta.

Sidoo kale waxa uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku amaanay mudnaanta uu siiyay la dagaalanka Al-shabaab oo uu sheegay in dalka ka hortaagan tahay horumar kasta oo la sameyn lahaa.

Dowladda Federaalka oo kaashaneysa Dowlad goboleedyada ayaa gobolada dalka ka wada howlgallo ka dhan ah Al-shabaab iyagoo laga qabsaday deegaano badan oo istiraatiiji ah.

Horseed Media