Cabdiweli Gaas iyo Cumar Cabdirashiid oo Qardho lagu soo dhaweeyey – SAWIRO

Published: July 8, 2023

Subaxnimadi Sabtida waxaa magaalada Qardho ee xarunta dhaqanka Soomaaliyeed booqasho ku tegey Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Cali Gaas iyo raysalwasaarihii hore ee dalka Cumar Cabdirashiid Cali oo maalmihii u danbeeyey ku sugnaa Puntland.

Masuuliyantan ayaa ugu horeyn salaan ugu tegay Boqor Burhaan Boqor Muuse, waxaana lagu wadaa in Boqorku maanta qado sharaf u sameeyo.

Ujeedka safarkooda ayaa daaran sidii xal loogu heli lahaa arrimaha Puntland ka taagan kadib markii dagaal culus uu ka dhacay caasimadda Puntland ee Garoowe oo iyada iyo saddex degmo oo kale laga reebay doorashooyinkii goloyaasha deegaanka.

Cabdiweli Cali Gaas iyo Cumar Cabdirashiid ayaa lagu wadaa gelinka danbe ee maanta in ay dib ugu noqdaan magaalada Garoowe.

Horseed Media