Cali Balcad oo lagu eedeeyey in uu si khaldan uga faa’ideystey magacaabid la’aanta wasiirka arrimaha dibadda

Published: March 18, 2024
Shares86

Ku simaha xilka wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Cali Cumar Balcad ayaa lagu eedeeyey in uu si khaldan u isticmaalayo awoodda wasiirka arrimaha dibadda oo uu ka yahay ku-sime kadib markii uu 20 qof oo diblomaasiyiin ah oo isku hayb ah si khaldan shaqada uga saarey isla markaana uu boosaskoodi ku buuxiyey kuwo kale oo u badan qaraabadiisa.

Guddiga Arrimaha Dibadda Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa wada mooshin qabyo-qoraal ah, ahna Kalsooni-kala noqosho Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cali Balcad.

Guddiga waxay Cali Balcad ku heleen Musuq-maasuq baahsan iyo kutagrifal awooodeed oo ay kamid tahay inuu Wasiiru Dowlaha si cad ugu tuntay sharciga shaqada dibadda iyo xuquuqda Diblomaasiyiinta Soomaaliyeed.

Diblomaasiyiinta uu ku xadgudbey Cali Balcad ayaa ku kala sugan dalalka, Turkiga, Switzerland, Kuweyt, Qatar, Shiinaha, Boqortooyada Sucuudiga iyo dalal kale.

Cali Balcad oo ah wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda ayaa xilka wasiirka arrimaha dibadd au haya si kumeel gaar a kadib markii Wasiirkii hore Abshir Cumar Huruuse uu iska casiley xilkaas bishii Diseembar 2023, tan iyo xiligaas Wasaaradda looma magacaabin wasiir.

Horseed Media