Cali Ciid ”Waan la heshiinay Madaxweynihii hore ee Galmudug Xaaf”

Published: March 1, 2020

Madaxweyne ku xigeenka mamulka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa si rasmi u shaaciyay in Maamulkiisu ay la heshiiyeen Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Ciid waxa uu xusay in uu ka soo qeybgali doono munaasabada caleemasaarka Madaxweyne Qoorqoor.

Cali Daahir Ciid Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo waraysi bixinayay ayaa sidoo kale xusay in dhawaan ay soo bandhigi doonaan qodobada ay u heshiiyeen isagga iyo madaxweynihii hore Galmudug Xaaf.

Xaaf oo fadhigiisu yahay Gaalkacayo ayaan weli ka hadlin in isagga iyo hogaanka cusub ee Galmudug ay heshiiyeen iyo in kale, Hogaanka Ahlu-sunah iyo Madaxweynihii hore ee Galmudug ayaa ahaa qodaxdii ku taagnayd maamulka cusub ee Galmudug ee dhawaan halkaas lagu doorta.

Horseed Media,2020

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *