Canada oo haweeneey u magacawday taliyaha ugu sareeya dalkaasi

Published: July 3, 2024
Shares96

Dalka Canada ayaa haweeney u magacaabay taliyaha ugu sarreeya dalkaas markii ugu horreysay abid Arbacadii, taasoo ah dadaalka uu Ra’iisul Wasaaraha Canada Justin Trudeau ku doonayo inuu haweenka ugu magacaabo shaqooyinka ugu sarreeya.

Sareeye Guuto Jennie Carignan, oo mas’uul ka ah dadaallada lagu ciribtirayo wax loogu yeeray anshax-xumada gudaha ciidamada qalabka sida, ayaa shaqada la wareegi doonta Luulyo 18-keeda.

Carignan, oo asal ahaan ah Injineer Milatari, ayaa 35-kii sano ee ay ciidanka ka tirsanayd waxay soo maamushay ciidamada dalalka Afgaanistaan, Bosnia-Herzegovina, Ciraaq iyo Suuriya.

“Mudadii ay ku jirtay shaqadeeda, tayadeeda hoggaamineed ee gaarka ah, ka go’naanta heerka sare, iyo u heellanaanta adeegga ayaa hanti weyn u ahaa ciidamadeena qalabka sida,” Trudeau ayaa ku yiri hadal uu soo saaray.

Carignan waxay xilka la wareegaysaa xilli dalka Canada uu cadaadis kala kulmayo xulafadeeda si ay sare ugu qaaddo kharashkeeda difaaca.

Horseed Media