Caqabada ugu weyn ee hortaagan Doorashada Soomaaliya iyo Heshiiskii 17-Sep!

Published: March 1, 2021

Waxaa weli socda dadaalo kala duwan oo lagu doonayo in shir deg deg ah la isugu keeno Madaxda Dowlada Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka si loo dhameystiro heshiiskii 17-Sep iyo qodobadii kasoo baxay Shirkii guddiyada Farsamada ee Baydhabo.

Waxaase muuqata in caqabado waaweyn ay weli horyaalaan hirgelinta heshiisyadii hore, waxaana ugu weyn caqabada soo korortay kadib markii uu xiligii dastuuriga ahaa ka dhamaaday Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo ku guuleysan waayey inuu keeno heshiis siyaasadeed kahor intaan xilka ka dhamaan 8dii Feberaayo.

Marka laga yimaado caqabadihii lagu eedeeyey Villa Soomaaliya inay hordhigtay hirgelinta heshiiskii 17kii September Muqdisho lagu saxiixay, ayaa waxaa hada derbiga ugu weyn ee laga gudbi waayey ay tahay in Madaxweyne Farmaajo saxiixo warqda uu ku joojinayo dhamaan awoodaha dastuuriga ah ee dowladiisa wakhtiga ka dhamaaday.

Madaxweynihii Xasan Shiikh Maxamuud oo ahaa hogaamiyihii xilka ku wareejiyey Farmaajo ayaa isagu saxiixay wareegtadaasi 5 maalin kahor intaan xilka ka dhamaan, taasi oo sahashay in doorashadii 2017 loo galo si aan khilaaf ku jiray iyadoo weliba farsamo ahaan dib uga dhacday xiligeedii.

Puntland iyo Jubaland oo ah maamulada xiligan aan wax kalsooni ah ku qabin Madaxweynaha wakhtigiisa dhamaaday ayaa sharuudo uga dhigay in wareegtan uu saxiixo Maxamed Cabdullahi Farmaajo, iyagoo sidoo kale ka horyimid dhamaan go’aanadii xukuumada Federaalka ansixisay wixii ka danbeeyey 8dii Feberaayo, oo ay ku jiraan kuwii xukuumada faafisay xiligaasi iyadoo taariikhda dib loo dhigay.

Sharuudan waxaa sii fogeysay kadib dhacdadii 19kii Feberaayo oo Villa Soomaaliya ciidamada Qaranka u adeegsatay murashaxiinta Madaxweynaha ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho.

Waxaa si weyn la isu weydiinayaa madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ma tegi doonaan Muqdisho iyada oo aan Madaxweynaha xilku ka dhamaadey soo saarin digreega xil gaarsiinta, si lamid ah Madaxweynihii isaga ka horeeyey, mise waxa ay u hoogaansami doonaan cadaadiska Saaxiibada Soomaaliya.

Maxamed Cismaan -Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment