Carwada Maalgashiga Soomaaliya oo ay soo qaban-qaabisey shirkad Kenyaati ah oo Muqdisho ka furmey.

Published: April 24, 2024

Waxaa maanta ka furey magaalada Muqdisho shir loogu maacdarey carwada maalgashiga ee Soomaaliya. Qoraal shirka laga soo saarey ayaa lagu sheegay “iyadoo Soomaaliya ay si tartiib tartiib ah ugu socoto xasillooni siyaasadeed oo waqtigeedi timid oo ganacsi uu kor u kacayo, fursadaha ganacsi iyo maalgashi ayaa dib u soo baxaya, ayaa carwada maalgashiga Soomaaliya ay ka jawaabeysaa fursahadaas jira”

Shirkan ayaa la sheegay in loo qabtey si loo sahmiyo fursadaha ganacsi ee ka jira Soomaaliya, xoojinta heshiisyada ganacsiga, soo bandhigista iyo iibinta alaabadaada iyo adeegyadaada. Waxaa shirka soo qaban-qaabisay Shirkad Kenya laga lee yahay oo lagu magacaabo Nation Media Group oo kaashanaysa Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya.

Furitaankii shirka waxaa ka qaybgalay raysalwasaaraha Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, waxaana uu furitaankii ka sheegay in Soomaaliya ay tahay waddan qani ah oo leh kheyraad kala duwan, sidaas darteedna ay Xukuumaddiisu dedaal ugu jirto soo jiidashada iyo dhiirigelinta maalgashiyo caalami ah oo dalka u horseeda isku filnaansho dhaqaale iyo shaqo abuur.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku dhiirigeliyey maalgashiyada gudaha iyo dibedda in ay ka faa’iideystaan fursadaha badan ee ka bannaan maalgashiga dalka, isaga oo xusay in fursadaha jira ay sii dhiirigelinayaan amniga oo soo hagaagaya iyo shuruucdii maalgashiga hagaysay oo la dhammeystiray, Tallaabooyinkaas oo damaanad siinaya maalgashadeyaasha caalamiga ah.

Shirka maalgashiga ee maanta Muqdisho ka furmey waxaa loogu tala galay in uu isu keeno hay’adaha dawladda, maalgashadayaasha, fududeeyayaasha ganacsiga, aqoonyahannada, ganacsatada, iyo saaxiibada Soomaaliyeed ee qurba-joogta ah, si ay isugu xirmaan una raadiyaan fursadaha maalgashiga iyo dib u dhiska dhaqaalaha dalka, sida lagu yiri xog shirka ku saabsan.

Shirkan ayaa xayeysiin xoog badan looga sameeyey gudaha dalka Kenya, inkasta oo ganacsiga ugu weyn ee Kenya ay Soomaaliya la wadaagto uu yahay mid hal dhinac ka socda kaas oo ah soo dhoofinta Qaadka Miiraaga, halka ay shirakadaha Soomaalidu ay maalgashteen Kenya.

HORSEED MEDIA