Ciidamada amaanka ee magaalada Muqisho oo gacanta ku dhigay rag hubeysan

Published: July 10, 2022

Ciidamadda amaanka ee magaalada Muqisho oo howlgal xooggan sameeyay ayaa gacanta ku so dhigay burcad hubeysan oo dhac ka geysanayay xaafado ka tirsan degmada Deyniile ee gobolka Banaadir.

Kooxda gacanta lagu dhigay oo gaarayay 5 dhalinyaro ah ayaa waxa cabasho ka keenay shacabka xaafadaha degmada Dayniile sida uu sheegay maamulka degmadaas, waxaaa la geeyay mid kamida xarumaha dowladda ay wax ku baarto.

“Anagoo kajawaabayna cabashada shacabka ayaa howl gal qorsheysnaa kafulinay Degmada habeenimadi xalay ahayd, waxaana kusoo qab- qabanay burcad hubeysan oo dhac u gaysanayay dad shacab ah” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay maamulka degmada.

Muddooyinkii la soo dhaafay waxaa Shacabka ku nool Xaafadaha degmada Deyniile ee gobolka Banaadir ay ka cabanayeen Rag hubeysan oo xilliyada habeenkii dhac u geeysta.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *