Ciidamada ammaanka ee gobolka Nugaal oo gacanta ku dhigay waxyaabaha Maanka-dooriya

Published: January 14, 2023
Shares28

Ciidamada Booliska Gobolka Nugaal ayaa howlgal ay ka sameyeen Magalooyinka Garowe iyo Burtinle gacanta ku soo dhigay Maandooriyayaasha xashiishka iyo khamriga dadkii watay iyo gaarigii lagu waday.

Qoraal ka soo baxay Ciidamada ayaa lahu sheegay in lagu ku guleystay inay kantaroonka Burtinle ku qabtaan 26 Duub oo waa wayn oo xashiish ah kuwaasi oo lagu soo qariyay dhar dhexdooda, iyagoona sidoo kale haya qofkii waday iyo gaarigii lagu waday.

Ciidamada Booliska ayaa sheegay inay socdaan baritaan la xiriira Maandooriyahan la soo qabtay iyagoona sharciga la horgayn doono marka la soo gaba gabeyo baritaanka.

Sido kale Booliiska ayaa sheegay in howlgalo ka socday Caasimadda Puntland ee Garowe ay ciidamada amaanka ku soo qab qabteen dubaab xashiish ah oo la diyaariyay iyo dhow cagadood oo khamri ah iyo dadkii watay waxaana socda baritaan si sharciga loo horgeeyo.

Horseed Media