Ciidamada ATMIS Oo Saldhigii 2aad Ku Wareejiyey Ciidanka Xoogga Dalka

Published: June 22, 2023
Shares8

Taliska ciiddanka xoogga oo fulinaya heshiiskii la wareegidda amniga guud ee dalka ayaa maanta howlgalka ATMIS kala wareegay saldhigga Mirtaqwo ee dowlad gobolleedka Hirshabelle, kaasoo xarun aheyd ciidamada Difaaca Qaranka Burundi (BNDF).

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sidan oo kale maalin ka hor kala wareegay howlgalka ATMIS saldhigga ciidanka Xaaji Cali ee dowlad goboleedka Hirshabelle oo isna xarun u ahayd ciidamada Difaaca Qaranka Burundi.

Hanaanka wareejinta mas’uuliyadda amniga oo u socota si tartiib tartiib ah ayaa waafaqsan qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSCR) 2628 (22) iyo 2670 (22) kaasoo faraya ATMIS inay saarto 2000 oo askari dhammaadka Juun 2023.

Ciidanka xoogga dalka ayaa khawaarijta Al-shabaab kala wareegay dhul ballaaran taasoo soo dadajisay in lagu kalsoonaado awoodda ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Horseed Media