Ciidamada Dowlada oo ku dhex-dagaalamay magaalada Jowhar

Published: November 3, 2023

Ciidamo ka wada tirsan militariga Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhex dagaalamay Jowhar, halkaasi oo ay ka dhacday dhimasho & Dhaawac.

Inta la xaqiijiyey 2 qof ayaa iska horimaadkan ku dhimatay, mid kamid ah ayaa ahaa askari ka tirsan ciidamada Danab.

Dagaalkan lama oga waxa sababay waxaana la sheegay inuu salka ku hayo khilaaf ciidamada lugta ee militariga iyo kumaandooska Danab.

Maamulka Hirshabelle ayaan weli wax war ah kasoo saarin iska horimaadkan ka dhacay caasimada Jowhar.

Horseed Media