Ciidamada Dowladda Federaalka oo gacanta ku dhigay sarkaal katirsan Al-shabaab

Published: February 14, 2023

Ciidamada xoogga dalka gaar ahaan qayta 21-aad ee milatariga Soomaaliya ayaa la sheegay in meel u dhow deegaanka Camaara ku qabtay madaxii Al-Shabaab u qaabilsanaa qaraxyada iyo caafimaadka agaasi.

Sarkaalkan oo gacanta lagu dhigay isagoo gaari ku sida agabka qaraxyada lagu sameeyo, kuna howlan kala gudbintooda ayaa lagu magacaabaa Salmaan Daadir.

Ciidamada xoogga waxaa ay sheegeen inay ku raadjoogaan Saraakiil kale oo loo sheegay inay ku sugan yihiin aaga degaanka Camaara ee Gobolka Mudug.

Ciidmada Dowladda ayaa sidoo kale sheegay in ay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gudaha dalka.

Horseed Media