Ciidamada dowladda oo la wareegay deegaano cusub oo katirsan gobolka Hiiraan

Published: April 18, 2023
Shares4

Ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ayaa si buuxda ula wareegay gacan ku heynta deegaano cusub oo u dhaxeeya magaalooyinka Baledweyne iyo Halgan ee gobolka Hiiraan.

Deegaanada cusub ee ciidamada ay la wareegeen ayaa kala ah: Xarartiir, Garasyaani, Baarey, Baladul Amiin iyo kuwo kale oo dhaca koonfurta gobolka Hiiraan, gaar ahaan hareeraha jiinka wabiga Shabelle.

Saraakiisha hoggaamineysay ciidamadaan ayaa waxa ay sheegeen in howlgalada ay ku burburiyeen godadkii iyo difaacyadii Al-shabaab ka qoteen degaanadaas.

Ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ayaa asbuucii labaad howlgalo ka dhan ah kooxda Al-shabaab ka wada deegaanadda gobolka Hiiraan.

Horseed Media