Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo howlgal ku dilay 23 ka tirsan Al-shabaab

Published: March 23, 2023
Shares2

Ciidamada Danab ee xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Nabad-sugidda Jubaland ayaa howlgal ay si wadajir ah uga fuliyeen gobolka Jubada Hoose ku dilay 23 ka tirsan Al-shabaab.

Saraakiil ka tirsan ciidanka ayaa sheegay in howlgalkan uu ka dhacay deegaanno ay ka mid yihiin Biibi, Maalka-dhaqajo, Beer-xaani iyo Quddus.

Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in xubnaha la dilay ay ka mid ahaayeen laba ‘horjooge’ oo kala ah Axmed Cali Faarax (Abuu Cabaas) iyo Geedi Warfaa Cali (Abuu Muscab).

Toddobaadyadii lasoo dhaafay waxaa Jubaland ka socday abaabul ciidan oo ka dhan maleeshiyada Al-shabaab, kuwaas oo sida ay sheegeen saraakiisha Jubaland qeyb ka ah howlgallada ka socda waddanka ee ka dhanka ah Al-shabaab.

Horseed Media