Ciidamada maamulka SSC oo guul weyn ka gaarey dagaalkii maanta oo Jimce ah

Published: August 25, 2023
Shares48

Dagaal aad u culus ayaa mar kale maanta oo Jimce ah ka dhacay duleedka bari ee magaalada Laascaanood.

Ciidamada maamulka SSC-Khaatumo ayaa guushii u weyneyd tan iyo bishii Febraayo ee dagaalku bilowdey gaarey.

Dagaalka xoogiisa ayaa ka dhacay aaga Maraaga ee bariga Laascaanood, oo ahayd halka wadada laamigu ka xirneyd oo ciidamada Somaliland fadhiyeen. Ciidamada maamulka SSC ayaa gaarey wadada laamiga ah, waxaana ay gacanta ku dhgeen bartii kontroolka ay fadhiyeen, dhufeysayadii iyo xeradii laga ilaalin jirey taliska Goojacadde.

Maamulka SSC-Khaatumo oo war ka soo saarey dagaalka ayaa sheegay in Somaliland sida caadada u ahayd mar labaad ku soo duuleen ciamada maamulka SSC maalin jimce ah, laakiin la iska caabiyey taasna ay keentey in gacanta looga dhigo gawaarida gaashaaman, kuwo kale laga gubey maxaabiisna laga qabsadey.

Muuqaalo wareegaya baraha bulshada ayaa la arkayaa ciidamada maamulka SSC oo dabaaldegaya, kuwo isku sawiraaya kaarayaal iyo beeebayaal laga qabsadey Somaliland ama laga gubey, sidoo kale waxaa la arki karaa maxaabiista la qabtey.

Si kastaba wadada laamiga ah ayaa hadda isu furan, waxaana adag in Somaliland ay difaacato taliskooda Goojacadde

Warkan oo fahfaahan gadaal ayaa laga daabacayaa

Horseed Media