Ciidamada PMPF oo la wareegay xarunta baarlamaanka Puntland

Published: December 17, 2023
PMPF

Ciidamo wata gaadiidka dagaalka ayaa la wareegay xarunta Golaha Wakiilada Puntland saakey oo Axad ah. Ciidamada la wareegay ayaa ah kuwa loo yaqaan PMPF ee dowladda Imaraadka carabtu ay bixiso dhaqaalaha ku baxa.

Maalintii shalay ee Sabtida waxaa xarunta gaarey Guddiga Amniga doorashada ee Madaxweyne Deni magacaabey, waxaana ay shir la qaateen Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland iyo Xildhibaano kale. Guddiga amniga ayaa ku wargeliyey Guddoomiyaha iyo Xildhibaanadu in ay xarunta ku soo wareejiyaan si guddiga xalinta khilaafaadka doorashadu ugu shaqeeyaan.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa ku wargeliyey in xarunta uu weli ka socdo kalfadhigii u danbeeyey, sharcigii doorashada lagu geli lahaa weli ka soo bixin, sidoo kale guddiga ay sheegayaan ee xalinta khilaafaadku uu yahay mid sharci aan ku dhisneyn oo ka hormarey sharcigii ay ku shaqeyn lahaayeen, sidaas darteed ay iska noqdaan.

Madaxweyne Deni ayaa amrey maanta in xarunta lala wareego si doorasho loogu qabto, waxaana ka qaybqaatey 15 gaari oo nooca dagaalka ah kuwaas oo qaar kood la geeyey waddooyinka ku dhaw baarlamaanka oo dhan.

Musharixiinta Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in Madaxweyne Deni weli aanu oggleyn doorasho la isla oggol yahay, markii hore dimoqraadiyad dhinac ka raran haatana uu boobaayo beelaha kadib markii uu magacaabey guddi aan la isku raacsaneyn sidoo kale weli aanu haysan sharciyad lagu jebiyo dastuurka si loo aado doorashada Lifaaqa ku dhisan.

Ma cadda in mucaaradku ay ka jawaabayaan qabsashada golaha wakiilada ee Puntland.

17 Xildhibaan ee beesha Dhulbahante ayaan heshiis weli laga gaarin, in kuwii hore joogayaan iyo in la soo beddeli karo qaarkood, sidoo kale beelaha qaarkood ayaa sheegay in aysan soo xuleyn Xildhbaano ilaa la helo doorasho la isla oggol yahay.

Horseed Media