Ciidamada Puntland ee wadadu u xirantahay oo bilaabey in ay ganacsatada ku soo rogaan lacag baad ah.

Published: August 19, 2023

Ciidamo ka tirsan kuwa amniga ee Dowladda Puntland ayaa todobaadkan laba meelood ka xirtey wadadada laamiga ah iyaga oo ku doodaya in mushaharkoodi ka maqan yahay.

Ciidamadan ayaa xirtey kontroolka Bari ee Garoowe iyo kan degmada Xarfo ee gobolka Mudug, waxay xanibeen gawaaridii sidey badeecadaha ka soo degay dekadda Boosaaso halkaas oo lagu soo cashuurey.

Ganacsatada iyo mulkiilayaasha gawaarida ayaa dhibaao xoogleh kala kulmey badeecadaha la xanibey ee sifada sharciga ah wadada ku mareysey, sidoo kale mulkiilayaasha gawaarida ayaa ka cabanaya in gawaarida raran ay wada dilaaciyeen shaagagii taas oo dhibaato xooggan ku ah.

Wasaaradda maaliyadda ayaa xalisey cabashadii ka jirtey kantaroolka Garoowe, laakiin markii gawaarida la siidaayey ayey haddana ka mid noqdeen kuwo badan oo ku xanibnaa magaalada Xarfo ee gobolka Mudug.

Ciidamada wadada Xarfo u xiran tahay ayaa habeenkii xalay u jeediyey ganacsatadu in gaarigii iska bixiya $50 dollar oo baad ah la si daynaayo, tan oo ceeb ku ah ciidamada, waxay ka cabanayeen ayaa ahayd dowladda ay ka tirsan yihiin in xuquuq kaga maqan tahay, ma ahayn in ay ganacsato la soo cashuurey ay ka qaadaan lacago baad ah.

Dhanka kale tani waxay ceeb iyo weji-gabax ku tahay maamulka Madaxweyne Siciid Deni, ma jirto miisaaniyad is dhintey bil kasta waxaa cashuur u soo xerooda lacag ku dhaw $7 milyan oo dollar, laakiin lacagaha ayaa loo leexiyey arrimo siyaasadeed, halka qaar kale la bilaabey in la dhunsado. Wax ka beddelka dastuurka Puntland keliya ayaa Dowladda Madaxweyne Deni ku bixisey $1.5 milyn oo dollar taas oo loo qaybiyey xildhibaanada, sida ay Horseed Media xog ku heshay.

Markasta oo muddo xileedku dhamaad yahay waa dhici jirtey in mushaharaadka la waayo, laakiin ciidamadu sidaan ma yeeli jirin. Maamulka Madaxweyne Deni ayaa waxa keliya ee ay ku faani jireen ahayd in mushaharaadka aysan ku baaqan, laakiin shaqaalaha rayidka ah iyo ciidamaduba ma helin wax xuquuq ah muddo ka badan saddex bilood.

Horseed Media