Ciidamada Ruushka oo la wareegay Magaalada Severodonetsk

Published: June 6, 2022

Ciidamada Ruushka ayaa ugu dambayn la wareegay gacan ku haynta magaalada istiraatiijiga ah ee Severodonetsk ee bariga dalka Ukraine.

Ciidamada Ukraine ayaa xeelad dagaal awgeed dib uga gurtay magaalada, sida uu sheegay Gudoomiyaha Gobolka Luhansk, Serhiy Haidai, iyadoona ay magaaladan ahayd middii ugu weyneyd ee Ciidamada Ukraine kaga sugnaayeen gobolkaasi.

Labada dhinac ayaa maalmihii Jimcaha iyo Sabtida ku dagaalamayay wadooyinka magaalada, iyada oo Ciidamada Ukraine isku dayayeen inay ka hortaggaan in Ciidamada Ruushku la wareegaan magaalada oo dhan.

Ciidamada Ruushka ayaa Axaddii bilaabay inay isku fidiyaan goobihii ay Ciidamada Ukraine kaga sugnaayeen magaaladaasi.

Magaalada bariga Ukraine ku taala ee Severodonetsk ayaa dhowrkii toddobaad ee ugu dambeysay noqotay xudunta dagaalka, iyadoona ay Moscow muruq iyo maal badanba ku bixisay, sidii ay ula wareegi laheyd.

Duqaymihii har iyo habeen ay Militariga Ruushka ka gaysanayeen magaaladaasi ayaa laga dhaxlay burbur weyn oo ka soo gaaray dhismooyinka magaalada.

Severodonetsk ayaa fure u ah hawlgalka hubeysan, ee ay Moscow ku dooneyso inay kula wareegto bariga Donbas, oo ay qayb ka yihiin Gobolada Luhansk iyo Donetsk.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *