Ciidamada Ukraine oo gudaha u galay dalka Ruushka

Published: August 8, 2024

Ciidamada Ukraine ayaa weerar kadis ah oo ay ku qaadeen Ruushka gudaha ugu galay dalkaasi.

Waxaa markii ugu horeysay oo ay ciidamada Ukraine gudaha ugu galaan dhulweynaha Ruushka, tan iyo intuu dagaalka bilowday.

Dowlada Ruushka ayaa xaqiijisay in ciidamada Ukraine ay gudaha usoo galeen gobalka Kursk ee xaduuda saaran.

Gobalka Kursk ayaa kamid ah deegaanada xaduuda saaran ee dalka Ruushka oo uusan wax saameyn ah ku yeelan dagaalka socday 2dii sano ee lasoo dhaafay.

Duulaankan ayaa bilowday Salaasadii lasoo dhaafay iyadoo ciidamada Ukraine ay kasoo galeen dhanka gobalka Sumy ee wadanka Ukraine.

Taliska Militariga Ruushka ayaa arbacadii shalay sheegay inay burburiyeen 7 taangi iyo gadiidka dagaalka, isla markaana dib u riixay ciidamada soo duulay.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa ku eedeeyey Ukraine inay gantaalo la beegsadeen guryaha iyo deegaanada shacabka ku sugan yihiin.

Macada in weerarkan wax weyn ka bedali doono culeyska ciidamada Ukraine ka saaran jiida dagaalka ee bariga dalkaasi.

Horseed Media