Ciidamada Xoogga Dalka Iyo Kooxaha Argagixisada Oo Ku Dagaalamaya Koonfurta Gobolka Mudug

Published: December 20, 2023

Dagaal u dhexeeya Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka oo is garabsanaya iyo kooxda argagixisada Alshabaab ayaa ka socda deeganka Jeex-Jeex iyo Buurta Yacgoos oo u dhaxeeya Magaalooyinka caad iyo camaara ee dhaca Koonfurta gobolka Mudug.

Howlgalka waxaa qaaday Ciidanka xoogga iyo kuwa deegaanka oo is kaashanaya ka dib markii ay heleen xogta maleyshiyaad Khawaarij ah oo isku aruursanayay deegaanadaas.

Saraakiisha Ciidanka ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyey in dagaalka lagu jabiyey cadowga walina uu socdo dagaalku.

Howlgalka ayaa qeyb ka ah halganka sifeynta cadowga ee ka socda Koofurta Mudug oo dhul ballaaran looga xoreeyey argagaxisada caadeysatay dhibaatada shacabka.

Horseed Media