Ciidamada Xoogga Dalka Oo Burburiyey Fariisimo Argagixisadu Ku Lahaayeen Gobolka Sh/Dhexe

Published: October 22, 2023
Shares10

Ciidamada xoogga dalka gaar ahaan kumaandooska ilaalo qaran ayaa howlgal qorshaysan oo ka dhan ahaa khawaarijta ka sameeyay dhulka howdka ah ee u dhaxeeya degmada Galcad iyo deegaanka Ceel bacad ee gobolka shabeellada dhexe.

Howlgakaan ayaa waxaa hoggaaminaayay taliyaha ururka 4-aad ee kumaandooska ilaalo qaran Dhamme Maxamad xuseen Aadan waxayna ciidanku halkaasi ku burburiyeen fariisimo ay Argagidisada ku lahaayeen dhulka howdka iskuna aruursadeen.

Taliyaha ayaa sheegay in ciidanka ay ka war heleen khawaarijta oo isku aruursanayay dhulka howdka ah ayna ku qaadeen weerar qorshaysan , isla markaana dagaal halkaasi ka dhacay ay ku gaarsiiyeen khasaaro xooggan.

Ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed iyo kuwa degaanka ayaa todobaadyadii la soo dhaafay dhaq dhaqaaqyo Ciidan ka waday degaano kuyaal xadka Gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud,halka oo ay ciidanka kawadaan howlgallo lagu sifeynayo khawaaraijta ku dhuumaleysaneyso dhulka howdka ah

Horseed Media